Skip to content

Sida Online Wax Looga Barto-Online Study.

    Cilmiga iyo aqoonta marbo heer ayey so istagaan balse marba marka ka danbaysa waxey noqotaa wax barashada mid ay aad u sahlantahay barashadeeda ayadoo la kashanayo hadbo caalamka iyo teknolijiyada mesha ay marayso.

    Waqtigaan aya ah midka ugu wanagsan ee ah midka online ka wax looga barto,wuxu soo maray cilmiga waqti aanu qofka heli Karin meel uu wax ka barto asagoo ku qasabana inuu ka tago meesha uu ku noolyahay asagoo radinaaya mesha lagu sheegay cilmiga inuu cilmiga u aradsado,

    waxa kaloo uu soo maray heer aadan waqtiga kuu ogolanaynin madama ay jiraan cabsi xaga amniga ah ood safi Karin adigoo ku qasban inaad naftada badbaadsato melena aad u safri Karin,balse waxa waqtiyadi danbe so batay in helitaanka cilmiga iyo barashadiisa so dhawaatay ayadoo la isticmalayo wadooyin kala duwankuwaas o ay ka mid ahayeen in safaradi diyaradaha la bartay oo loo safri karo meshi aad donaysid inaad wax kazoo baratid

    Barashada Onlineka aya ah mida waqtigaan an joogno ah mida ugu caaansan ayadoo waliba aan dad ka faaideen ayakoo guryahooda joogana ay barteen cilmi kala duwan,waqtigaan aya ah midki abid soo marabulsha waynta aduunka marki loo eego waqtiayadi lasoo maray kuwaas oo aha midba heer.

    Sideen wa oga baran online ka?

    Online ama aaalada internetka aya ah mid aadk aheli kartid goob walbo ood ku nooshahy adiggo ka helaayo shirkadaha bixiya adeegyaha isgaarsiinta taas oo aad ku isticmali kartid xitaa haada haysanin computer adigo isticmalaya telefonkada.Waxa jiro website yo ama shaqsiyaad soo gudbiyo wax barashada online ka kuwaas ood kala dooran kartid cilmiga aad rabtid,Hadii aad rabtid maadi ama Diini labadabo wad ka heli kartaa adigoo si sahlan ku baran kartid

    Maxa laiga baahanyahay?

    Ruuxa diyarka u ah inuu wax barato marwalbo waxa waajib ku ah radinta fursada uu wax ku baran laha,hadii aad tahay ruux shaqaysto ama haysta hawlo kale oo ad ku mashquulnatahay wax akaga filan inaad waqtigaada aad maarayso adigoo eegaya sacadaha ad firaaqada leedahy saacad ama  sacad ka yar ayaad ka goyn karta waqtigaada sidaasna waxad ku yeelatay jadwal aad wax ku baratid.

    Xageen ka baran karaa?

    Mar hadii aad diyaar noqotay innad waqtigaad ka radiso fursada ad jadwal ku smaysato taas ood wax ku baran rabto waxaaad sameen  karta internetka inaad ka dhax raadisid meshi aad ka baran laheed waxanakamid ah melahaas

    1.udimy

    2.skillshare

    3.coursera

    Iyo kuwo kale oo badan oo macqul tahay in laga helo melaha aad ku nooshahy sida kuwa ay somalida barto

    a..Hurbad

    b.sahalsoftware

    c.waxkabaro

    iyo kuwa kale

    Wax barashada online ka aya ah mid aan lacag iyo waqti badan kaga baxaynin markiloo eego mida caadiga ah ee loo aado iskulada wayo waxa macquul inaad heshid course dhamaystiran oo ah $10-50.

    bal qiyaas inaad nolishaada inaad ku dhistid lacag intaas la eg waa wax aad u mihiim ah in lagu bararugo.waxa taas ka sii daran faidada ku jirto aya ah inaad baran kartid xirfadao iyo cilmi kala duwan adigoo ku u qadaya cilmigaada iyo aqoontaada walibo adigoo ku jiro nolashaada cadiga ah.qofkku hadu go’aansado inuu wax barto wuxuu baran karnaa cilmi aad u xeel dheer asagoo an ku ekaanynin intuu macalinkiisa baray,oo muxuu sameen karaa?

    Wuxu sameen kara inuu aqoonta korosado oo sameeyo daba gal dheraad ah,waxeey dhahaan macalinka wuxu ku bara boqolkiiba 25% taas oo ka dhigaysa inuu ardayga 75% soo hartay asaga dusha u rito asagoo kaashanayo dadaalkiisa iyo baritaankiisa.

    Tusale,hadii ad wax ka baratay hal macalin waxad yeeli kata inaad macalin kale ka korosato madama uusan cilmiga uusan dhamanin waligii ood u baahantahay ruux walbo inaad cilmi ka kororsato.Barashada online waxey ka duwantahay midii aad taqanay oo lais daba jogaayay oo marwalbo macalinka kaa eegayay shaqada aad qabatay balse midaan aya ah mid adiga aad isticmalaysid maskaxdaada ood helaynin mararka qaar cid daba gal ama control kugu haysa taasna wa dhinaca xagal daaciska ay ledahay wax barashada online ka,Hadii ad ahayn ruuxa asaga iskiisa isku diri karo hadabo haku dhiiran inaad lacag si bilaash iskaga bixiso balse hadad diyaar u tahay adigoo shaqaysanaayo inaad wax baratid waxaan ku leeyahay wax barshada online waa midi aad nolashaada ku baadali lahayd.

    Maxaan barta?

    Waxaan kaso qaaday inaad haysatid ood kazoo fikirtay wixi aad baran laheed ood doonaysay wadadi aad ku baran laheed balse hadii ad I waydiisay wixi aad baran laheed waxaan kugu jawaabi laha waxa maskaxdayda ku jiro oo ah wixi ku qanciyay oo isleedahy way ku anfacaysaa waayo waxaad eegta bulshada ka ag dhaw cimiga ku xiisa galiyay baro wayo qofka wixi xisa galiyo ayuu maskax u yeshaa inuu barto oo meel ka keeno.

    Ka faidayso wixi aad baratay

    Barasha cilmi kasta hadey ahaato online ama se midka aad ka baratay macalinka ku hor taagan wa hawl laga gudbi karo waqtiba ha qaadatee balse mida ugu dhibka baadan ayaa ah sidi looga faideesan laha waayo inaad wax baratid waxa ku baxo waqti iyo qarash taas marwalbo ka dhigto qofka inuu dareemo xanuunka waqtiga ka dhumay iyo qarashkii ooga baxay lakiin waxa aad ooga sii xanuun badan marku ruuxaka faideesan waayo cilmigii uu bartay.

    Mida ugu caansan ama wadaad ugu caansan aya ah inaad cilmigii aad baratay aad ooga sii faideesid arday kale adigoo isku badalaayo macalin wax baraayo arday,tani waxeey u tahay dhiira galin ardayda qalin jibisay iskuulada ama jaamacadahaineey ka faideestaan wixi ay so barteen ayakoo eegaya maslaxada ku jirto in lasii baro arday kale wixi aad taqaanay.

    Waa fursadaha lagu haayo cilmigaada oo waxey ku noqonaysa adiga baraha ah inaadan hilmaamin wixii aad soo baratay oo mar walbo aad ku dhax jirtid iyo inaad ku maaraysid nolashaada adigoo sidaas oga faideestay cilmigaadi.Ku dadaal inaad wax baratid kuna dadaal inusan noqonin cilmigaas mid aadan ka shalaayin adigoo oga siifaidenaayo walalahaga kale ee u baahan cilmigaas labadiinabo waad ka faidi doontiin insha allah.